Daawo Gudooomiye Mursal oo kahadlaya sababta ay xilka uga qaadeen Kheyre

1841

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inay xukuumadda kalsoonida kala noqddeen 170 mudane, ayna diideen siddeed xildhibaan, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka aamustay, kadib codeyn la galiyey.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si loo dardar-geliyo howlaha laga sugayo xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiye Mursal ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay ku fashilantay, doorashooyinka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka