Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa caawa khudbad xasaasi aheyd oo la wada sugayay ka jeediyay Barnaamijka looga hadlayay xilliga kala guurka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacday Hotelkan Afrik.
Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorasho aan heshiis lagu aheyn haddii dalka ka dhacdo ay dhibaatooyin kala duwan ka dhalan doonaan, waxaana uu ummadda Soomaaliyeed u caddeeyay in wixii uu ka digayay markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa xukunka inta aanu ka tagin ay caawa joogto.
“Marka aan ka hadleyno muhiimadda doorasho heshiis lagu yahay, kama dhigna in aan ka fikirno 40-ka maalmood ee soo socota, waa inaan ka fikirnaa, 4-ta sano iyo 40-ka sano ee soo socota, sababtoo ah qaabka aan u maareyno 40-ka maalin ee soo socota ayaa saameyn ku yeelan doonta mustaqbalka Soomaaliya 40-ka sano ee soo socota”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre
Waxaa uu soo hadal qaaday taageero dhaqaale oo dowlado ka tirsan Beesha Caalamka ku kabayeen Miisaaniyadda oo loo joojiyay degenaansho la’aanta siyaasadeed iyo doorashada lagu muransan yahay.
Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in qadka loo saaran yahay haddii doorasho aan heshiis lagu aheyn haddii dalka ka dhacdo khal khal siyaasadeed iyo amni daro.
“Waxaan qarka u saaranahay inay naga hallaabaan, haddii la qabto doorasho aan waddar ogol ku dhicin, waxaa ka dhalan doonta dalka dowlad aan la isla ogoleyn, dowlad aan la isla ogoleyn waxay dhalisaa siyaasad khal khal leh, siyaasad khal khal dhalisa waxay dumisaa dal ee dal ma dhisto, haddii la isku dayo dalka in laga qabto doorasho aan la isla ogoleyn, waxaa ka dhalaneysa amni daro, sida maanta aad ujeedaan xaalada ka taagan Gedo, Beledweyne iyo caawa wixii ka dhacay magaalada Muqdisho degmadeeda Kaaraan”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Waa khudbaddii uga xasaasisaneyd oo uu Xasan Cali Kheyre jeediyo, tan iyo markii uu ku biiray Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah.