DAAWO Haddii uu Deni mucaaradka keeno Puntland anaguna waxaan keenaynaa Dowladda

11

Wasiirkii hore ee maaliyadda Xasan Shire Abgaal oo maanta Garowe kusoo laabtay tan iyo markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024, ayaa sheegay inuu Dowladda Federaalka keenayo Garowe, haddii uu madaxweyne Deni Garowe keeno mucaaradka dowladda.

Xasan Shire Abgaal oo lagu tiriyo siyaasiyiinta Puntland ee xiriirka dhow laleh Dowladda Federaalka, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu isagu si shakhsiyan ah u hor istaagan yahay mashaariicda horumarineed ee reer Punland uga xayiran Dowladda Federaalka.

Siyaasi Abgaal wuxuu sheegay socdaalkiisa Garowe inuu daaran yahay in la dhiso Puntland cusub, isagoo isimada Puntland ugu baaqay inay isku yimaadaan oo ay iclaamiyeen shirweyne masiirka Puntland looga tashanayo.

Wuxuu sheegay dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland in ay hawlgab noqdeen, oo aysan jirin hal mid oo shaqa ka socoto, islamarkaana shaqaalihii iyo ciidamadii Puntland xuquuq la’aan yihiin in ka badan lix bilood, taasi oo keentay in ciidamadu waddooyinka xirtaan oo xannibaan gaadiidkii canshuur-bixiyaasha ahaa, kaddib markii ay xuquuqdoodii ka waayeen xukuumadda Deni.

“Waxaad ogtihiin maamulkii dowliga ahaa iyo hay’adihii dowladdu meeshay marayaan iyo siday yihiin maanta hal xafiis dowladeed oo shaqeeya ma jiro Puntland, guud ahaana shaqa socota ma jirto, waxaad ogtihiin mushaarooyinkii shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ugu danbaysay mudda lix bilood ka badan, oo ciidamadii waddooyinkay isbaarooyin dhigteen, si ay xuquuqdooda u helaan” ayuu yiri mudane Xasan Shire Abgaal.

Xasan Shire wuxuu sidoo kale sheegay in mashaariicda u xanniban go’aaannada siyaasadeed ee xukuumadda Deni in ay sabab u noqdeen go’doon dhaqaale iyo mid nololeed oo ay wajahayaan shacabka Puntland, taasi oo dhibbane u noqday siyaasad-xumo iyo maamul-xumo, isagoo xusay in hadda kaddib madaxweyne Deni lagu la xisaabtamayo arrintaasi.