DAAWO:- Hadii Muuse laqabanwaayo waalakala tashan

288

Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa qaadacay shir uu ugu yeeray Madaxweyne Muuse Biixi, kaasoo looga hadlayay khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay ku diideen dalabka Madaxweynaha kuna qaadaceen shirkii loogu yeeray.

Feysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday inay diideen kulanka uu ugu yeeray Muuse Biixi Cabdi ka dib markii ay tashadeen labada xisbi.

Guddoomiyaha UCID ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu dib u dhigay Somaliland, uuna galiyay xaalad adag oo siyaasadeed.

“Muuse sabab uu noogu yeero ma jirto, ilaa iyo maalintii uu yimid xukunka, wixii ay Somaliland ku soo caano maashay, ee sharci ahayd, tanaasul iyo wadatashi wuu laabay, markaa in la shiro wax macne ah sameyn meyso” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Feysal Cali Waraabe ayaa ka hor yimid go’aankii guddiga doorashooyinka ay ku go’aamiyeen in lasoo horumariyo doorashada ururada, kadibna la qabto mida Madaxweynaha, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Wareegtad Madaxweynuhu dhowaan ku meelmariyay jadwalkii doorashooyinka ee guddiga doorashadu soo saaray ayuu Feysal Cali Waraabe sheegay iney tahay mid aan shaqeyneyn sababo la xiriira iyadoo uusanba jirin sharcigii lagu maamuli lahaa doorashada.