DAAWO:-Hala iska ilaalsho in wax laga badalo heshiiskii 17-September

1277

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka digay in lagu deg-dego Isbedel lagu sameeyo heshiiskii 17-September, ee Doorashooyinka dalka, kaas oo ay wada gaareen Isaga iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda Xuska 78 guurada ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa xusay in heshiiskaas uu muhiim u yahay doorashada dalka ka socota, lana toosiyo hadii ay jiraan waxyaabo yar yar oo la isku khilaafay.

Hadalka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo aadaya xilli maalinta Isniinta ay shir ku ballansan yihiin Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisal Wasaaraha, Madaxda Dowladda Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.