DAAWO:-Haweenay ninkeeda uu timaha ka xiiray

1653

Haweenay u dhalatay dalka Pakistan ayaa ninkeeda ku eedaysay inuu timaha ka xiiray ka dib markii ay diidday inay samayso ciyaarta qoob ka ciyaarka ah, arrintan ayaana hadda abuurtay walaac hor leh oo ku saabsan amaanka dumarka ku nool gudaha dalkaas.

Asma Aziz, oo ka soo jeedda gobolka Lahore, ayaa qabsatay hadal haynta shacabka ka dib markii ay baraha bulshada ku baahisay muuqaal laga arkayay madaxeeda oo xiiran iyo dhaawacyo soo gaaray wajigeeda.

Seygeeda oo lagu magacaabo Mian Faisal ayaa hadda waxaa gacanta ku haya booliska.

Hase yeeshee, Mr Faisal ayaa dafiray eedaymaha ay xaaskiisa u soo jeedisay.

Kiiskan ayaa horseeday isku dayo badan, waxaana lagu dadaalayaa in laga hortago falalka rabashadaha ah ee guryaha ka dhaca.

Farriin ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ku qortay barta twitter-ta ayey ku sheegtay in loo baahan yahay in la sameeyo isbadel.