DAAWO:-Haweeney 80-jir ah oo xashiish ka ganacsaneysay oo laqabtay

1196

Ciidamada booliiska ayaa xalay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayay loogana hortagayay waxyaabaha maanka dooriya waxa ay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalka inta uu socday ayey ciidamada qabanayeen dadka ay uga shakiyaan falalka amaan daro iyo sidoo kale isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaalaan dhalinyaro badan oo degan xaafadaha degmadaasi.

Ciidamada booliiska ayaana qabtay haweeney 80-sano jir aheyd oo ka ganacsaneysay waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka, waxa ayna sheegtay haweeneydan in duruufo u geeyeen in ay iibiso xashiishka.

Haweeneydan ayaana ka codsatay maamulka degmada iyo ciidamada booliiska ee qabtay in ay cafiyaan ayna joojineyso in mar dambe iibiso maandooriyaha, waxa ayna sidoo kale codsatay in loo raadiyo shaqo ay nafteeda ku dabarto.

Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgalo xilliyada habeenkii ah, waxaana howlgaladan lagu baadi goobayaa kooxaha burcada ah ee dadka dhaca u geesta iyo dadka kale ee isticmaala maandooriyaha.