DAAWO:-Howlgal loogu magacdaray Caaisho maxay galabsatay oo Galkacyo kabilowday

1728

Kadib markii saakay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug la geeyey Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa waxaa durba lagu dhawaaqay howlgal culus.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in saacadaha soo socda uu bilaaban doono howlgalkaas oo loogu Magac daray’Caaisho maxay galabsatay’isla markaana amniga lagu xaqiijinayo.

Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen oo shir jaraa’id Gaalkacyo ku qabtay ayaa sheegay in howlgalkaas uu bilaaban doono,isla markaana waxa uu amray in xasbiga la dhigo Waalidiinta ka daba yimaada Dhalinyarada howlgalka lagu soo qabto.