Daawo:-Hub ka dhigis rasmiya ayaan ka samayn doonaa Galmudug

1617

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay kulan la qaatay Haweenka ku nool koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu mudnaanta kowaad siin doono hirgelinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu sheegay in si lo helo Galmudug Xasiloon ay xukuumaddiisu Hubka dhigis ku samayn doonto cid kasta oo Hub ku dhex wadata Galmudug oo aan ka tirsanayn maamulkiisa cusub.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay qaramaynayso malayshiya-beeleedyada hubaysan ee jira Galmudug isagoo tilmaamay in lagu dari doono ciidamada kala duwan ee maamulka si ay nabadda uga qayb-qaataan.