DAAWO:-Hubka Ciidamada dowladda si qarsoodi ah ayaa loogu iibiyaa Suuqyada

1661

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa shaaca ka qaaday in Kiisaska la horkeeno Maxkamadda intooda badan dambiyada lagu galo ay yihiin hubkii Ciidamada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo Suuqyada.

G/Sare C/llaahi Buule Kamey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in digniin loo diray xubnaha ka tirsan ciidamada ee sida sharci darada ugu heysta guryahooda hubka noocyadiisa kala duwan oo ka badan difaaca Nafta.

“Waxaa jira kiisaska la horkeeno Maxkamadda Ciidamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo ay yihiin hubka ciidamada qalabka sida oo leh shaabadii iyo astaanti ciidamada, si qarsoodi ahna loogu iibiyo suuqyada sharci darada cirtoogto”ayuu yiri G/sare C/llaahi Buule.

Waxaa uu ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada qalabka in la joojiyo gaadiidka gaashaaman ee iska yaalo xaafadaha, kaasoo loo adeegsano karo dano gaar ah iyo dad ka soo horjeeda nidaamka dowladnimada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in baaritaan lagu sameynayo hantida Ciidamada qalabka sida cid walba oo isticmaashay agabka Ciidanka leeyahay.