DAAWO:-Ikraan Tahliil adeerkeed oo sir badan qarxiyay

1188

Dr. Xasan Faarax Axmed, oo ah adeerka Ikraan Tahliil Faarax, oo ehelkeedu raadinayan raqdeeda iyo ruuxeeda muddo ku dhow Saddex bilood, ayaa sheegay in Farmaajo dalbaday inuu diyo ka bixiyo dilkii Ikraan, oo ku maqan gacanta hoggaankii hore ee NISA.

Dr. Xasan, wuxuu xusay in koox uu hor-kacayo Daahir Amiin Jeesow, uu Farmaajo ugu yeeray Madaxtooyada, si ay ugala shaqeeyaan in la daboolo kiiskaan, isla-markaana ay u geeyaan odayasha beesha Gaaljecel si uu ugu wareejiyo diyada Ikraan.

Wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay, warar ay Madaxtooyadu soo galisay baraha bulashada, iyadoo adeegsaneysa shaqsiyaad dhaqaalo raadis ah, kaas oo ah in qoyska Ikraan ay ogollaadeen qaadashada magta gabadha maqan.

Wuxuu wax lala yaabo, ku suntay, sababta uu Farmaajo, dadaalka xooggan ugu bixinayo in laga aqbalo qaadashada diyada Ikraan Tahliil, taas oo kooxdiisu hore u sheegtay in ay dileen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Dr. Xasan, wuxuu si weyn ugu mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo go’aansaday inuu sharciga hor geeyo cidda uu ku caddaado kiiskaan.

Wuxuu caddeeyay in aysan jirin, wax mag ah oo ehelka Ikraan ay ku bedelanayaan gabadhooda, isla-markaana ay kaliya ku qanci karaan in tiirka la geeyo shaqsiyaadka hoggaanka u ahaa NISA.

Dr. Xasan oo ah bare ku dhaqan waqooyiga America, ayaa sheegay in Cabdiqani Dhiirane, oo gacan yare u ah Taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasiin, uu waday gaariga lagu af-duubay Ikraan oo uu lahaa Yaasiin Farey oo ah Taliyaha NISA ee gobolka banaadir.

Farmaajo, ayaa tallaabo kasta u qaaday si uu gacmaha sharciga uga badbaadiyo, eedeysanayaasha uu ugu horreeyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo kiiskaan aawgiis looga xayuubiyay xilkii hay’adda Nabad-sugidda.