Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi odayaal ah oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle.
Wafdigan odayaasha ah oo ka baxay Muqdisho ayaa u tegay Beledweyne xallinta xiisaddii ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Imaam Daahir oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa ka wabixiyay ujeedka safarkooda, wuxuuna sheegay in ay u socdaan xalka dhibkii gaaray beesha Xawaadle.
“Waxaan usoo gole fadhiisanay inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf oo ahayd mid aanan raalli ka ahayn” ayuu yiri Imaamka Mudulood.
Dhankiisa waxaa hadalka ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo duubabka dhaqanka kusoo dhaweeyay Beledweyne, wuxuuna u ballan qaaday inay diyaar u yihiin sidii xal loogu lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.
“Imaam sood hawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri.
Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.
Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa sheegaya in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.