DAAWO:-Imaaraadka ayaa Soomaaliya u tababaray ciidamada xasilinta Muqdisho

105

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta tegay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo tababar culus uu uga socdo ciidamo ay gacanta ku heyso oo tababarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey tababarrada ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kaalmada kale ee dowladda Soomaaliya ay siiso.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay kaalin weyn ka geysatay dhismaha ciidamada Soomaaliya, waxyaabaha uu ku amaanay Imaaraadka waxaa kamid ah sida dowladda Soomaaliya ay uga gacan siisay in amni lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa Soomaaliya u tababaray ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee loo yaqaano Boolis Military iyo guutooyin kale oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo ku maqan furimaha dagaalka, kuna baacsada Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey dowladaha kale ee Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidanka oo dalkaan uu maahi weyn u qabo, isagoo ciidamadaan cusub kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarka uguna adeegaan dalkooda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey dhalinyaradaan halganka xoreynta dalka iyo halka uu marayo, isagoo ku war-geliyey in dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda kale ee ciidanka xoogga dalka ay ka sugayaan inay gacan ka geystaan sidii argagixisada dalka looga xoreyn lahaa.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, “Waxaad la socotiin in badeena iyo dalkeena la soo damaaciyey, idinka ayuu dalkaan difaac idinka sugayaa, dadka Soomaaliyeed mucaarad iyo muxaafid, masuul iyo shacab, waxay ka siman yihiin in taako ka mid ah dhulkooda aan la qaadan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac.