DAAWO:-Indhacadde oo ka digay qaraxyo lala damacsan yahay Xasan Sheekh iyo C/C shakuur

1056

Jen.  Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde ayaa ka digay qaraxyo la qorsheynayo in laga fuliyo Magaalada Muqisho kuwaasoo uu tilmaamay in lala damacsan yahay qaarajinta siyaasiyiin iyo shaqsiyaad mucaarad ah.

Indhacadde ayaa ka hadlay xaaladda Amiga dalka gaar ahaan dilka loo geystay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo  dad kale oo lagu laayey weeraro isqarxin ah oo habeen hore ka dhacay magaalada Baladweyne.

Qorshaha dilka Aamino kaliya maaha, waxay ka soo bilaabatay arrintan C/casiis Afrika, waxaana qorsheysan in la dilo dad kale oo badan, arrintaasna waxaa isla abaabulaya shaqsiyaad dowladda ka tirsan oo xiriir la leh Al-shabaab.

Indhacadde ayaa sheegay inay jiraan weeraro Qaraxyo ah loogu talagalay in lagu dilo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur  iyo shaqsiyaad kale oo uu isagu ku jiro.

“Weeraro loo adeegsanayo qaraxyo ayaa loo diyaariyay Madaxweyne hore Xasan Sh Maxmuud iyo Xildhibaan C/raxmaan Shakuur iyo shaqsiyaad kale oo anigu ku jiro Si loo qaarajiyo xogtaasna ilo lagu kalsoon yahay ayaan helay” ayuu indhacadde

Waxaa uu sidoo kale sheegay Gen. Indhacadde in Todobaadka billaabanaya la qorsheeyay fullinta weeraradaas.