DAAWO:-Ismaciil Cumar Geelle oo qoyskiisa u qeybiyey hantidii ganacsade Axmed Cismaan Geelle

1601

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qoyskiisa u qeybiyey shirkado uu lahaa Ganacsade Axmed Cisman Geelle.
Axmed Cismaan Geelle, ayaa ah ganacsade caan ah oo u dhashay Somaliland, kaasi oo ganacsigiisuna gaadhay wadamada Geeska Afrika, isagoo dalka Jabuuti ku lahaa shirkado badan.
Ganacsadahan ayaa hadda ku sugan caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo iskaga soo baxay wadanka Jabuuti.
Sida ilo xogogaal ahi sĥeegen  Ganacsade Axmed Cisman Geelle ayaa iska diiday inuu saami ka siiyo shirkadihiisa qoyska Madaxweyne Geelle, taasi oo sababtay in uu kasoo firxado dalka Jabuuti.
Kadib markuu ganacsaduhu kasoo baxay Jabuuti, ayaa afar kamid ah shirkadihiisi lagu wareejiyay qoyska Madaxweyne Geelle, iyadoo shirkadihii kalena albaabada loo laabay.
Xogta ayaa tibaaxaysa in afarta shirkadood ee ay la wareegeen Qoyska Madaxweyne Geelle, ay ukala qeyb-sadeen sidan:
1. Shirkada 360 Stevedoring oo uu qaatay Sacad Cumar Geelle, madaxweynaha Jabuuti walaalkii, kaasi oo ah maamulaha dekeda Jabuuti.
2. Shirkada Multivision waxa qaatay Tomoo oo qaba inanta Madaxweyne Geelle, Faadumo Ismaciil Cumar Geelle.
3. Shirkada Jib Events oo ay laheyd xaaska ganacsaduhu, waxa qaadatay Tolmond Almis Mohamud Xayd oo ah gabadh ay edo u tahay xaaska Madaxweyne Geelle, Khadra Maxamuud Xayd.
4. Shirkada Djibouti Container Freight station waxa qaadatay, Nazli Cabdala Kamil oo ah gabadh ay Khadra Maxamuud xayd u dhashay ninkeedii hore.
Sikastaba, dowladda Jabuuti ayaa usoo gudbisey Xukuumada Somaliland, dacwad ka dhan ah Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, isagoo Madaxweyne Geelle ka dalbaday Muuse Biixi in uu xayiraad kusoo rogo hantida Ganacsaduhu uu ku leeyahay Somaliland.