DAAWO:- Itoobiya waa inay ka laabato qaladkeeda, ayna bixiso raaligelin

139

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee kala dhexeysa Itoobiya kadib fashilkii dhowaan ku yimid wada-hadallo ay labada dhinac ku yeesheen dalka Turkiga.

Wasiirka gaadiidka duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Soomaaliya aanu wax iska beddali doonin, ayna rabto Soomaaliya in Itoobiya ay ka laabato qaladkeeda, ayna bixiso raaligelin, iyada oo kadib soo mareyso waddada sharciga ah.

“Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo ka noqota wixii ay qaribtay, Soomaaliya waxay rabtaa Itoobiya oo raaligelin bixisa waddada sharciga ahna soo marta” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in cidda qaladka iyo xadgudubka sameysay ay tahay Itoobiya, balse ay rajaneyso inay dib u sixi doonto wixii horay u dhacay.

“Sidaad ogtihiin qaladaadka ay sameysay Itoobiya iyo xagdudubkii ay ku kacday Soomaali waa wada ogtahay waxaan rajeynayaa inay maskaxooda soo noqoto oo ay dambiyada ay galeen dib u tirtiraan” ayay mar kale tiri wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal.

Waxaa kale oo ay sii raaciysay “Iyadaa dagaalka soo qaatay, iyadaa jabisay shuruucda caalamiga ah annaga dhankeena wax qalad ah oo ka yimid malaha, waxaana rajeyneynaa inay kasoo baxaan waxaan rabno”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota.