Sida Garowe looga aruurshay dadka Itoobiyaanka ah ma ahan nimdaam dawladeed iyo mid bani’aadannimo toona.
Saaka magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka bilawday raaf ama aruurin la xiriirta dadka Ajaaniibta ah siiba Itoobiyaanka.
Dadkaasi Itoobiyaanka ah ee maanta laga aruurshay Garowe, looma kala socin rag, dumar, carruur, shaqaale xaafado joogo, kuwo goobo ganacsi ka hawlgala, kuwo tuugsada, baalashle iyo bannaan joog toona, dhammaantoodna waa la qabqabtay.
Itoobiyaankaas maanta laga aruurshay magaalada Garowe, waxaa lagu gurayey baabuur shabaqlayaal ah oo boolisku leeyahay, ayna wataan ciidamada amni, hase ahaatee shaqadaasi kuma bilaaban nimdaam dawladeed oo qorshaysan, lehna meel uu ka bilawdo iyo meel uu ku dhammaado, wuxuuna u ekaa hab laab la kac ah oo aan lahayn qorshe dheer oo xal u noqon kara dhibaatada xallinteeda la doonayo.
Baabuurta shabaqlayaasha ah ee booliska, aruurinayeyna dadka Itoobiyaanka ah, waxay ku daadinayeen meel aan ka durugsanayn magaalada Garowe, una muuqata koontaroolka waqooyi galbeed, ahna dooxooyinka Bixin iyo Waaw, halkaasi oo ah dhul cidlo ah oo aan lahayn biyo la cabbo, baad la cuno, gabbaad iyo geedo ku filan oo la harsado.
Ma ahan aragti la fasiri karo iyo ujeeddo macne wax baddeli kara ku dhisan, kana soo fushay nidaam dawladeed maadaama waxa muuqdaa ay tahay oo kaliya aruuri dadka, kuna daadi koontaroolka magaalada laga soo galo. Ogaw dadku ma ahan ciid iyo dhagxaan meesha la dhigo aan ka dhaqaaqayn ee waa bani’aadan lugo leh oo soconaya.
Marka la rabo in la raafo dad ajaaniib ah, lagana aruursho magaalada waa in labo arrimood midkood loo diyaarshaa.
Midda koowaad, xeryo lagu haynayo, una gaar ah oo lagula soconayo xaaladdooda nololeed, ammaan iyo caafimaadba.
Waa tan labaad waa in la qorsheeyaa sidii dalkoodii loogu celin lahaa, loona geyn lahaa, iyagoo ugu yaraan lagu simayo xuqdduudda, waana muhiim arrinkaas in xiriir lagala leeyahay dalkoodii iyo dawladdoodii, si nabad ahna loogu wareejiyo. Wixii kale oo intaasi ka baxsan waxay u dhigmayaan waxa maanta dhacay oo kale.
Intaas waxaa dheer, dad shacab ah oo u badan dhallinyaro iyo haween Somali ah ayaa magaalada dhexdeeda ka sameeyey xad-gudubyo ka dhan ah dadka Itoobiyaan ah, uguna tagayey guryahooda, iyagoo ulo iyo gacanqabsiyo kale watay, qaarkoodna waa u gacanqaadeen.
Tallaabadaan waxay imaanaysa kadib markii maalmo ka hor wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ay soo saartay war qoraal ah oo la xiriiray dadka ajaaniibta ah, hase ahaatee qoraalkaasi wasaaradda kuma caddayn raaf iyo aruurim lagu sameeyo dadka shisheeyaha ah ee ku dhaqan Puntland, balse waxay ku koobnayd in la joojiyo akoonnada tuugsiga, in aan telefonno loo furin, guriyana laga kirayn cid aan ahayn dammaanad iyo aqoonsi rasmi ah.
Xigasho
Warbaahinta Daljir.