Daawo: Jadwalka doorashada Jubaland oo la shaaciyey

1847

Guddiga doorashada maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday jadwalka xilli madaxweynaha musharraxa ah ee uu waqtiga kasii dhamaanayo ee Jubaland Axmed Madoobe uu maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid ah musharrixiinta la tartamaya Axmed Maxamed Islaan oo hadda xilka haya ayaa horey walaac uga muujiyey hannaanka doorasho ee Jubbaland iyo soo xulista baarlmaanka dooran doona madaxweynaha.