DAAWO Jahwareer dhanka Maamulka oo kajira Gobolka Gado kadib Khilaafka Jubaland iyo Dowlada

2290

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa caawa ka taagan xiisad dhanka maamulka degmada ah oo u dhaxeysa xubno kala taabacsan maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu maanta Baardheere gaaray nin madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland uu dhawaan u magacaabay guddoomiye ku xigeenka degmadaas iyo xubno kale oo ka baxay magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka ay degmadaas u magacaawday Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in uu maanta xarunta degmada ku soo dhaweeyey Sheekh Maxamed Xuseen isxaaq Alqaadi oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Galinkii danbe ee maanta ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Militeriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere waxay hawada ka saareen is gaarsiinta degmadaas, waxayna magaalada ka bilaabeen howlgallo ay doonayeen inay ku soo qabtaan xubnihii ka socday Jubbaland ee maanta tegay degmadaas.

Wali ma jirto cid lagu soo qabtay howlgalkaas oo la shaaciyey, balse amarkaas soo qabashada ayaa waxaa bixiyey dowladda federaalka, sida uu sheegay Cabdullaahi Nuur Xasan oo ah guddoomiyihii degmada Baardheere ee xilka uu ka qaaday maamulka Jubbaland oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Cabdullahi waxa uu sheegay in dowladdu ay amartay ciidanka jooga Baardheere in lasoo qabto guddomiye ku xigeenka gobolka Al-Qaadi oo ah ninka xiisadda abuuray iyo xubnihii uu magaalada ku soo dhaweeyey ee ka socday Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inay haatan isku aruursadeen guri uu Al-Qaadi ka deganyahay Baardheere.

Cabdullaahi Nuur Xasan ayaa ka mid ahaa guddoomiyaashii degmooyinka gobolka Gedo ee hoos tagi jiray Jubbaland, balse markii danbe la saftay dowladda federaalka, sidaasna Jubbaland ay xilalkii uga qaaday.

Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah Baardheere, Baled-Xaawo, Luuq iyo Dolow oo Jubbaland ay ka qaaday xilalkii, ayaa iyagoo ku sugan Muqdisho waxay ku adkeysanayaan inay iyagu yihiin guddoomiyaasha sharciga ah ee degmooyinkaas.

Xubnahaan oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay u joogaan la tashiyo kala dhexeeya hoggaanka sare ee dowladda federaalka, iyagoo si cad u sheegay inay toos u hoos tagi doonaan dowladda dhexe ilaa inta laga soo dhisayo maamulka aan kan Axmed Madoobe aheyn.