DAAWO:-Jen. Xuud oo soo rogaal celiyey

517

Jen. Abuukar Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa mar kale shaaciyey ineysan aqoonsaneyn Maamulka Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay Jen. Xuud ayuu ku sheegay inuu sidiisii u socon doono kacdoonkii gobolka Hiiraan ee lagu diidanaa Hirshabelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Waa nala noqon weysay markaan xamar nimid inaan ka hadlo arrin aan bisleyn, waxaan shirkaan jaraa’id u qabanay inaan cadeyno in mowqifka Hirshabelle iyo kacdoonka Hiiraan ay aad u kala fog yihiin, haddii la isku dayo xitaa la iskuma soo dhoweyn karo” ayuu yiri Jen. Xuud

Waxaa uu maamulka Hirshabelle ku eedeeyey ineysan waxba ka qabanin dhibaatooyin uu sheegay iney ka dhaceen gobolka Hiiraan kuwaasoo ay ka mid ahayeen qaraxyadii ka dhacay Baladweyne xiligii ay socotay doorashada ee lagu dilay dadka faraha badan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, aqoonyahano, iyo dad kale oo wax gal ah.

“Madaxweyne markii la doorto muxuu Madaxweyne rasmi ah ku ku noqon karaa? wuxuu ku noqon karaa in dhaariyo, lana caleemo saaro, madaxweyne intaas laga heynin ayaa howshaan iska wata, Hiiraan wax xoog lagu qabsado wey ka weyntahay, ma aqoonsanin Maamulka Hirshabeele mowqifka kacdoonkana wali waa sidiisii” ayuu intaas ku daray Jen. Xuud.

Waxaa uu sheegay in mudadii uu joogay Mqudisho uu ogaaday arrimo badan oo ay ka mid tahay in Hiiraan laga dumiyo Xamar gaar ahaan kuwa hiiraan ka soo jeeda ee xamar sugan.

Dhinaca kale Jen. Xuud ayaa beeniyey iney ka soo horjeedaan ama mucaarad ku yihiin Madaxweyne Xassan Shiikh, isagoo intaas ku daray inuu u aqoonsan yahay Madaxweyne Soomaaliyeed, ayna soo dhoweynayaan hadii uu wax ka qabanayo xaaladahaha ka taagan Hiiraan.