DAAWO:-Jeneraal Xuud oo markii u horaysay kahadlay ciidanka lageeyay Beledwayne

1023

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo dhow ah, sida wada-hadallada uu kula jiro dowladda Soomaaliya, xaaladda HirShabelle yo ciidamada la geeyey Beledweyne.

Xuud ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho, isla-markaana loo dhigay gogol Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray inuu la kulmay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Farmaajo waan is aragnay arrintaas waxba kama uu qabo Soomaalinimo ayuu u istaagay  ra’iisul wasaarahana, insha allah waan is arki doonaa isagana waxaan leenahay Soomaali fiiri u istaag dhammaan Soomaali,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuuud).

Sidoo kale wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedka socdaalkiisa magaalada Muqdisho iyo wada-hadallada u bilowday isaga iyo Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu u socdo heshiis ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa tabashada reer Hiiraan.

“Waxaan nimid xamar waxaan u nimid dowladda heshiis ayaa noo wada socda heshiiskaas waa mid u faa’iideynaaya Ummadda reer Hiiraan, heshiiskaas wuxuu noqon doonaa mid labada dhinacba laga istaago,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Jeneraal Xuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weli uusan ka tanaasulin mowqifkiisa, isla-markaana uu u taagan yahay raadinta xaq uu sheegay inuu ka maqan yahay Hiiraan.