DAAWO:-Joe Biden oo ee deeyay cidamada afganistan

956

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisii ahaa in ciidamada Mareykanka laga saaro Afghanistan, xilli ay si degdeg ah ay u soo ifbaxday qabsashada Taalibaan, isagoo wacad ku maray inuu soo afjari doono arrinta Afghanistan, isla markaana aysan u gudbi doonin madaxweyne shanaad.

“Ciidamada Maraykanku ma aha inay ku dagaallamaan, kuna dhintaan dagaal aysan ciidamada Afghanistan doonayn inay ka qeybqaadaan,” ayuu madaxweyne Biden ku yiri khudbad 20 daqiiqo ah oo uu kula hadlay shacabka Mareykanka, taas oo laga sii daayay telefishanka galabnimadii Isniinta.

Biden, wuxuu uga digay hoggaamiyeyaasha Taalibaan inay la kulmi doonaan “awood bur-burisa” haddii ay farageliyaan ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan.

Madaxeyne Biden waxaa lagu khasbay inuu u diro ciidamada Mareykanka magaalada Kabul, si loo hubiyo in si nabadgelyo ah looga baxiyo shaqaalaha diblomaasiyiinta Mareykanka iyo dadka rayidka ah iyo sidoo kale muwaadiniinta Afghanistan ee la shaqeeyay Mareykanka oo wajihi kara aargudasho.

Isagoo iska fogeynaya dhaleeceynta adag ee la xiriirta siyaasaddiisa Afghanistan ee uga imaaneysa xubnaha labada xisbiga ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, qaar ka mid ah jeneraaladii hore iyo kooxaha xuquuqda aadanaha, wuxuu madaxweyne Biden go’aansaday inuu difaaco ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dagaalka 20 sano socday oo ay iska dhaxleen afar madaxweyne.