DAAWO:- Jubaland iyo Puntland inay aqbalaan Doorasho Qof iyo Cod

76

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay siyaasadaha isdiidan ee dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo diidmada nidaamka doorashada ee Qof iyo Codka.

newsinsiseGudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in nasiib xumi ay tahay in waqtigaani la joogo ay arkaan Dowlad Goboleedyo diidan doorashooyinka Qof iyo Codka, waxaana uu ugu baaqay Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland inay aqbalaan nidaamka Doorashadaasi.

Aadan Madoobe ayaa hadalkaan ka sheegay khudbadii xalay uu kajeediyay munaasabadii 6sano Guuradii markii Laftagareen loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland oo uu goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu aduunka la yaaban yahay sida ay Soomaalida oo dad Islaam ah ay ugu midoobi la’yihiin nidaam doorasho oo xor ah, waxaana uu ammaan usoo jeediyay Somaliland uu si xor iyo xalaal ah doorashooyinkeedi uga qabatay degaanadeedi.

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaan qeyn ka ahayn wada hadaladii ay Dowladda Soomaaliya go’aan uga gaartay inay dalka guud ahaan ay ka hirgaliso doorasho Qof iyo Cod ah waxaana jiray siyaasiiyinta mucaaradka oo dhankoodi nidaamkaan diidan.