DAAWO:-Jubbaland oo sheegtay iney la dagaalameyso ciidamada dowladu geysay Gedo

1778

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay dagaal kusoo qaaday gobolka Gedo islamarkaana ay ka abuurtay colaad beeleedyo.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu soo dhamaaday shirka golaha wasiiradda Jubbaland oo intiisa badan looga hadlayay xaalada gobolka Gedo oo maalmahaan dowladda federalku ciidamo badan ku daabushay.

Wasiirka waxa uu sheegay faro galinta ay dowladda federalka ku sameysay gobolka Gedo in uu dib usoo celinayo dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu sheegay dowladda federalka inay ka baxday la dagaalankii ay kula jirtay Al-Shabaab ayna usoo jeesatay burburinta Jubbaland waa sida uu hadalka u yidhi.

Jubbaland waxay sheegtay inay ciidamadeeda heegan buuxa galisay, si ay uga difaacaan duulaan ay sheegeen inay kusoo qaaday dowladda Soomaaliya.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa badi la wareegtay gobolka Gedo, waxaana ay halkaas geysay ciidamo badan oo milatari ah.

Degmadii ugu dambeysay ee dowladda Soomaaliya la wareegto waxay ahayd degmada Baladxaawo, oo lagasoo sheegayo inay xiisado colaadeed ka taagan yihiin.