DAAWO:-Juventus Oo Garaacday Chelsea +SAWIRRO

1514

Kooxda Juventus ayaa garaacday Kooxda difaacanaysa champions League ee chelsea kulan qaybtii dambe xiiso waali ah yeeshay oo labada kooxood isku yaaceen.

Kulanka ayaa ahaa mid qaybtii hore ahaa mid caajis ah iyada oo labada kooxoodba difaac ku jireen waliba ayna samayn fursado fiican oo goolal lagu dhalin karo.

Labada Tababare ayaa u muuqday kuwo isku fikir ahaa waliba mid walba doonayay in uu difaacdo goolkiisa isla markaas ciyaaro weeraro rogaal celis ah.

Laakiin labada kooxoodba ma dhalin wax gool ah qaybtii hore waxana ay ku heshiiyeen bar-baro gool la’aan ah iyada oo labada kooxodba ku farxeen natiijada.

Qaybtii dambe ayay kooxda Juventus ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka faa’iidaysanayay inta ayna chelsea difaaca ku dajin ciyaarta waliba ayna xidhan difaaca.

Daqiiqadii 46-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad iyaga oo kaga naxsaday chelsea oo aan wali habayn difaacooda iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay ciyaarta ayaa diirtay waxana ay labada kooxood bilaabeen in ay qaadaan weeraro kala gadisan oo ay ku doonayaan in ay ku dhaliyaan goolal.

Chelsea ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay Juventus difaac gashay isla markaas adeegsanaysay weeraro rogaal celis ah ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee wareega Group-yada champions league iyo guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.