DAAWO:- ”Kama yeeleyno Xildhibaan Jeesow in markale bililiqeysto kursigeena.”

1780


Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlad goboleedka Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali Maqaney ayaa ka hadlay kuraasta deegaan doorashada xildhibaanada Baarlamaanka Federalka oo dhowaan la shaaciyay.

Sheekh Abuukar Xasan Cali Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay qalad tahay in qaar kamid ah kuraasta baarlamaanka federalka ee ay lahayd beesha gaaljecel in la wada geeyay magaalada Beledweyne.

“Waa qalad weyn in beel wada degta gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan la geeyo kuraastooda gobolka Hiiraan oo kaliya,taasna waxa ay ka dhigeysaa in beesha gaaljecel aysan degeneyn gobolka Sh/dhexe.’ayuu yiri Sheekh Abuukar Xasan Cali oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle horena u soo noqday xildhibaan Baarlamaanka Federalka.

Sidoo kale Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ku eedeeyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow inuu bililiqeystey kursi ka wada dhexeeyay Beesha Lahube oo degta saddexda gobolada Hiiraan,Sh/dhexe iyo Sh/Hoose.

“Sharciga ayaan horgeyn doonaa Daahir Amiin Jeesow oo u raray kursi dadka leh ay wada degen yihiin saddex gobol kamana yeeleyno in uu markale bililiqeysto kursigaas.”ayuu yiri XIldhibaan Abuukar Maqaney.

Ugu dambeyntii Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa ugu baaqay madaxda dowlada federalka iyo dowlad goboleedka Hirshabelle inay wax ka qabtaan kuraasta loo rartay gobolka Hiiraan.

Dhowaan ayaa madaxda dowlad goboledyada dalka iyo madaxweynaha federalka iyo guddoomiyaha goolka banaadir kulankii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen Muqdisho ku soo saareen jadwalka doorashada iyo deegaameynta kuraasta doorashada, Waxaana gobolka Hiiraan la geeyay 25 kursi halka gobolka Sh/dhexe la geeyay 13 kursi.