DAAWO:-Khadiijo Adan Daahir oo diiday shaqo joojintii lagu sameeyey

265

Guddoomiyihii Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Somalia Marwa Khadiijo Aadan Dahir ayaa ka soo horjeesatay shaqo joojinti lagu sameeyey

Waxay sheegtay in gudoomiye Ku-xigeen keeda uusa shaqo ka joojin ku sameyn Karin maadaama ay doorasho ku timid.

Waxay sidoo kale sheegtay in xil ka qaadisteeda ay ku imaan karto oo kaliya haddii dhammaan xubnaha soo doortay ay u fariistaan inay xilka ka qaadaan.

“Hadda waxaa i dhinac fadhiya oo ila jooga guddoomiye ku-xigeenka Mustaf waxaa kaloo ila jooga seddex xubnood iyo ku-simaha Xoghayaha, waxaan sheegayaa marka inaan qabannay shir, shirkaasoo ku saabsan warqadii shalay soo baxday inaan beeninno inay tahay wax kama jiraan sababtoo ah xil igama qaadi karo Faarax Cali Macalin’’ ayay tiri Marwa Khadiijo Aadan.

Qoraal ka soo baxay Xiriirka Soomaaliyed ee Ciyaaraha Fudud ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay Khadiija Aadan Daahir, kadib dhacdadii FISU World Games ee ka dhacday magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.

Eedaha shaqada looga joojiyay Khadiijo Aadan Daahir waxaa ka mid ah inay tartankaas u dirtay gabar ay habaryar u tahay oo aan u diyaarsaneyn, taasoo abuurtay fadeexad aad u xooggan oo Soomaaliya iyo caalamkaba si weyn looga hadal hayo.