DAAWO: Khayre kale oo kasoo dexbaxay Maakhir iyo Khaatumo

2050

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Khudbad Xiiso leh oo Kulan ay Gobolka Minnesota ku yeesheen Jaaliyaddaha Khaatumo iyo Maakhir uu ka jeediyey Xuseen Aadan Kaneec oo ah Wiil dhalinyaro ah, kana soo jeeda deegaanada Khaatumo, Balse ku dhashay kuna Barbaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Khudbadiisa oo siwayn dadka usoo Jiidatay ayuu ku sheegey in Markii uu yaraa Aabihii uu uga Sheekayn jiray Taariikhda deegaanada uu kasoo jeedo, Halgankii Daraawiishta iyo Doorkii ay ku dhex lahaayeen Soomaalida, Balse wuxuu sheegay in maanta waxa ka Muuqda deegaankaasi iyo waxa looga Waramay ay siwayn u kala fogyihiin.

Wuxuu sheegay in dadka deegaankaasi ee Wakhtigaasi Saamaynta badan lahaa, ay Nasiib darro tahay inay maanta ka hadlaan “Ma tashan karnaa, Maamul ma dhisan karnaa, maxay ina odhanaysaa DF Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland. “

Xuseen Kaneec oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanada Khaatumo iyo Maakhirba ay la hadheen Siyaasiyiin Tahriibaya, Wuxuuna soo jeediyey in Hogaanka loo dhiibo Qof ku dhashay Koonfurta Soomaaliya, Wuxuuna xusay inay adag tahay in mar kale la aamino dadka ku dhashay Badhan ama Buuhoodle.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay muhiimada ay leedahay inay mid noqdaan Khaatumo iyo Maakhir, Wuxuu sheegay inay yihiin dad aan weligood Colaad dhex marin sida ay taariikhdu Werinayso, Balse u muuqda Kuwa loo kala sheekeeyay ama Kala xishoonaya, Wuxuu ka hadlay Doorkii USP (Khaatumo, Maakhir iyo Awdal) ay ku lahayd dalka iyo Arimo kale oo muhiim ah.