DAAWO:-Khayre oo kashifay qodobadii ay isku khilaafeen Farmajo

1730


Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka, ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Xasan Cali Khayre ayaa ugu dambayn banaanka keenay qaar kamid ah qodobadii ay isku khilaafeen isaga iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo dhowaan barta Clubhouse kula hadlayey dhalinyaro ayuu sheega sababta uu darteed xilka uga tegay, sida uu yiri oo ah inuu diiday inay dalka ka dhacdo doorasho boob ah oo lagu shubto ayna codeeyaan ciidamo iyo xildhibaaor xoog lagu soo qortay.

“Kaliya waxaan kasoo horjeeda inay ka dhacdo doorasho aan xalaal ahayn, inay ka dhacdo doorasho boob ah, waxaan kasoo horjeeda Doorasho askar inta meel la geeyo ay coddeeyaan, ama xildhibaanno xoog lagu soo xusho..” ayuu yiri Xasan Kheyre, isagoo sheegay inuu u taagan yahay doorasho xor iyo xaal ah oo la ila ogol yahay.

Marar badan ayaa Xasan Cali Khayre ku celiyey in markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa uu ka digijirey in dalku gaaro meesha uu hadda marayo isla markaana ay dib u dhacaan doorashooyinka madaxtinimada iyo barlamaanka Soomaaliyal.