DAAWO Kheyre oo khilaafay Farmaajo

2432

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulan la yeeshay golihiisa Wasiirada ayaa faray in ay ka shaqeeyaan sidii dalka doorasho uga dhici laheyd, xili wali shaki la galinayo in doorasho dalka ka dhaceyso xiligii loo qorsheeyay.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Kheyre in golahiisa wasiirada howlaha ugu muhiin ee hada horyaala ay yihiin sidii dalka doorasho uga dhici laheyd , waxa uuna ugu baaqay Wasiirada ka shaqeynta doorasho ku dhacdo si nabad ah.

Waxaa ka muuqata hadalka Ra’isalwasaaraha in aysan madaxweynaha iyo asigu isla ogeyn arintaan uu ku dhawaaqay shalay ee Doorashada oo ay ku kala aragti duwan yihiin, maxaa yeelay warkaan waa war madaxweyne ee ma ahan war Ra’isalwasaare, sidaas daraadeed haday saas tahay oo aysan isla ogeyn 2 jug oo culus ayaa caawa Madaxweynaha ku dhacday:

1. In hadii doorasha la aadayo libinti laga qaatay oo waxaa looga abaal heynaa Ra’isal wasaaraha hadii xataa Doorasha dhacdo maxaa yeelay iyada oo la yaaban yahay oo war laga la’yahay madaxweynaha ayuu asigu ku dhawaaqay weliba iyadoo uu jiro Tuhun weyn oo ahaa in Madaxweynuhu ku darsi rabo xilka Ra’isalwasaarahana ku gorgortami rabo.

2. Hadii No 1 uu ku fikiraayay xoogaa Extension ah liin ayaa looga dhiijiyay oo hadalka PM-ku waa cadyahay ( waa in 4tii sanaba doorasha dhacdaa) hadal cad, Ra’isalwasaaraha intii madaxiisa lagu gorgortami lahaa ayuu ka hor dhacay wuxuuna Madaxweynaha geliyay baxar siyaasadeed oo madaxweynihii wuxuu u muuqanayaa nin doorasha diidan oo laga soo wada horjeesto, Ra’salwasaarihina wuxuu u muuqanayaa nin doorasha raba oo wuxuu helayaa taageerada inta Doorasha rabta, sidoo kale wuxuu helayaa space uu dhoolatus siyaasadeed ku sameeyo.

Dhinaca kale waxaa kaloo hadalka PM-ka ku jiray erayga ah ” stakeholdrs” oo inta aan ka warqabay aan Madaxtooyada laga jecleyn lagana diidan yahay waana sababtii xildhibaanadi iyo wasiiradi shirki Puntland aaday oo Dowlada uga qeyb galay ka dagaalamayeen oo halaga tiro eraygaas ” stakeholders” war murtiyeedka iyo laga tiri maayo buuqu uga dhacay dartii ay shirka uga baxeen.

Sababta kalimada ” stake holders” ay xasaaiyada uga qabto Madaxtooyadu waxaan isleeyahay waa in Axmed madoobe iyo Dani soo galayaan iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Ugu danbeyn Ra’isal wasaaraha iyo wasiiradiisa waxaan uga hambalyaynayaa in ay gool siyaasadeed ka dhaliyeen madaxtooyada( ضربة معلم ) lkn muwaajahada soo socota ku tala gala oo malaha ka bilaaban doonta in “korontada iyo biyaha la iska jarto la isna qaxiyo”! Waa haday jirto in aan leysla socon oo ay u badan tahay sida wax u dhacayaan marka la eego.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo maamul Gobaleedyada mucaaradka ah iyo kuwa baatiyaasha ahaayba dhamaan waxaa ku haboon oo la gudboon in ay taageeraan dhawaqa Ra’salwasaaraha, gacana ay ka geystaan sidii ay isugu imaan lahaayeen stakeholderska siyaasada ee Dalka.

Waxaa ceeb ah in la arko siyaasiyiinta ku heybta ah Ra’salwasaaraha ee shalay ku qeylinayay Doorasho ayaan rabnaa in markii Ra’isalwasaarihii u bareeray khatarta ku dhawaaqideeda in ay daba maraan oo xilkiisi raadsadaan. Jufadi Hawiyaha ee xilkaas siyaasigoodaa asigoo u gaatamaya la arko waa in loo aqoonsado jufadaas haday is cesha waayaan” Gun” aan Gabdhaha laga guursan.

Waxaa qoray Dr. Abdirahman Mohamed Mohamud