DAAWO Khudbadii Musharax Gen. Moorgan iyo Ciidanka uu doonayo inuu Puntland u dhiso

2296

Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo kamid ah Saraakiishii Ciidamada ee Dawladii dhexe ee Soomaaliya, kana mid ah Musharixiinta u taagan Xilka madaxwaynaha Puntland ayaa maanta Khudbad u jeediyey Baarlamaanka puntland.

Wuxuu sheegay inuu Mudnaanta siin doono Sharciga, Amniga, Horumarka Puntland iyo Midnimadda Soomaaliya, Wuxuuna ku dheeraaday Qorshaha uu Ciidanka uu ku dhisi doono hadii la doorto.

“Siyaasaddu maaha wax looga Adeegto Shacabka, Siyaasaddu maaha Khiyaamo, Iyo Dibin daabyo Balse waa Qorshe Talagalkeedu yahay Horumarinta dadka iyo dalka, Waxaana ku howlgalayaa Siyaasad wax Qabad oo Nadiif ah” Ayuu yidhi.

Maalinta maalinta Berri ahna oo Saacado Kooban ay inaga xigaan waxaa dhacaysa doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland 8 Janaayo 2019.