DAAWO:-Koofi, Cabdul iyo Saabey oo dambi lagu waayay

116

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwadii musuq maasuqa ee loo heystay mas’uuliyiin ay ku jiraan agaasimayashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga iy qaar kamid Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Hey’adda Socdaalka.

Maxkamadda ayaa ku dhowaaqday in wax dambe ah lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan maqane ah .

Sidoo kale waxaa isna dambi lagu waayay Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo isna maqane ah, sida ay ku dhawaaqday maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir.

Saddexdan mas’uul oo dhammaantood dalka isaga baxay kadib eedeyntaan musuq ee loo jeediyay ayaa la fasaxay maanta, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda, maadaama lagu waayay dhammaan eedeymihii cuslaa ee loo soo jeediyay

Dhinaca kale maxkamadda ayaa xukuno kala duwan oo xabsi ah ku ridday saraakiil kale oo ka kala tirsan hay’adda socdaalka iyo wasaaradda maaliyadda oo lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, waxaana kamid ah:-

1-Maxamed Ibraahim Axmed oo maqane ah waxay ku xukuntay 4 sano oo xarig ah

2-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle 4 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

Guddoomiye Saalax ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday in ciddii aan ku qanacsaneyn go’aankan uu u furan yahay racfaab muddo ku siman 30 cisho.
“Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furay racfaan” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.