DAAWO Kornayl Caare Oo kahadlay dagaalkii maanta

1899

Xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa laga dareemayaa Kacsanaan, waxaana Gudaha magaalada Lasoo dhoobay Ciidamo Tiro badan.

Arintan ayaa ka dambaysay Kadib markii uu dagaal mar kale dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Jabhada uu Hogaamiyo Kornayl Caare.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ciidanka Somaliland ayaa ku dhaawacmay dagaal saaka ku dhex maray deegaanka Karinka ee degmada Ceerigaabo, jabhadda Korneyl Caarre iyo ciidamada Somaliland.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen goobtii hore ee ay deganaayeen una guureen degaankan cusub oo uu ku yaallo jidka muhiimka ah ee Tabca.

“Dagaalka u dhexeeya Jabhada Dulmi-diid iyo Ciidamada Somaliland weli wuu socdaa, Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac Ciidamada Somaliland ah oo la keenay Cisbitaalka Ceerigaabo, gaadhigii Abaanduulaha Ciidamada Somaliland ayaa isna ka dhacay Laagaga.” Ayuu yidhi Wariye Cabdirisaaq Terra oo ka hadlayey Xaalada kasoo cusboontay gobolka sanaag.