DAAWO:-Kulankii Xasan Sheekh iyo Deni oo fashil kudhamaaday +SAWIRRO

243

Waxaa fashilmay wada-hadalo qaatay 3 maalmood oo ay ku lahaayeen caasimadda Puntland ee Garoowe Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland.

Ilaa saddex kulan oo dhexmaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la isku mari waayay qodobadii doodaha ay ka lahaayeen, kuwaas oo ay ugu waa weynaayeen dhameynta madmadowga labada madaxtooyo iyo xoojinta wada-shaqeyntooda, dhaqaalaha iyo mashaariicda Puntland uga maqan DFS, saameynta xubnaha ku matalaya DFS iyo siddii looga heshiin lahaa qeybsiga kheyraadka dalka.

Siciid Deni ayaa la sheegay inuu iska diiday ballanqaadyo uu u soo jeediyay Xasan Sheekh, kuwaas oo ay kamid ahaayeen inuu keensado ilaa saddex safiir, iyo mashaariic, taas oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay soo celinta kalsoonidii labada nin ee luntay kaddib ka bixitaankiisii ballanqaadyadii cod kala badalashada ee doorashadii 15-May kahor.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in laga yaabo in lasoo saaro War-murtiyeed dhinacyadu ku muujinayaan niyad wanaag iyo in la gaaray is afgarad.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf loogu sameeyay Madaxtooyada Garoowe, isagoo berri ka baqooli doona caasimadda Puntland.