DAAWO:-kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil gacanta shacabka ayay soo geli doonaan+SAWIRRO

1126

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo goor dhawayd khudbad ka jeedinayay munaasabadda ay musharraxiinta u tartamaysa 11-ka kursi ee ay gobollada waqooyi ee Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Soomaaliya ay hadalkooda ka hor jeedinayeen ergada kala dooran doonta, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan maraxaladda siyaasadeed ee dalku maro iyo khilaafadka taagan.

RW Rooble ayaa ku dhaareeaaday ka hadlidda arrimaha doorshooyinka, isagoo faray maamul Goboleedyada in ay soo dhammeystiraan xubnaha ka dhiman Aqalka sare, sidoo kalena si toos ah loo guda galo Doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ka qayb qaataan ammaanka iyo xasiloonida dalka,” Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa inay ilaaliyaan xasiloonida Al-Shabaabna uusan ka faa’iidaysanin, ayna ka fogaadaan waxa tuhumada ama qalqalka abuurayo.” Ayuu yiri Raiisal wasaare Rooble mar uu ka hadlyay ammaanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si adag uga hadlay kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil, waxaana uu sheegay inuu u taagan yahay cadaaladda, isagoo caddeeyay sida ugu dhaqsiyaha badan ay heleyso cadaalad.

“Waxaan u taaganahay Cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiina kheyr u sheega, Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa, dhammaan howlaheeda inay wadato ayaa raieynayaa horayna waa u faray, haddana waa farayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaan, cadaaladaas ayaa na wada deeqdo”

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax weyn oo saa’id ah oo hadda la isku haysto,isagoo shacabka ugu baaqay in ay is dejinaan, oo aysan waxba ku mashquulin khilaafaadka jira, isagoo tilmaamay in la xalin doono wax waliba.

“Xaaladda dalka maanta wuxuu marayaa meel fiican doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad wey iska yimaadaan laakin wax weyn maahan, wax weyn aan loo qaadanin wax walba waxaa ka muhiimsan xasilloonida dalka, nabad galyada.” Ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.