DAAWO:-La-taliyihii Farmaajo oo soo jeediyay in Al-Shabaab loo baneeyo xukunka

86

Cabdisaciid Muuse Cali Lataliyahii hore ee dhanka amniga Qaranka madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cajiib badan uga hadlay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii Badda ay wadagaleen somaliland iyo Itoobiya.

Lataliyahii hore ee amniga madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali oo sidoo kale horay dowladii Farmaajo uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa soo jeediyay in dowladda Xasan Sheekh hadii aysan iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed iney u baneyso Al-shabaab.

“Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag iska dhicin karaa jiree u banee, damaca Abiy Axmed wuxuu kor u qaaday soo noolashaha Al-shabaab xag dhaqaale iyo ku biirista dad hor leh” ayuu yiri lataliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay soo gaartay dhaawac weyn oo la xariira hanaanka ay uga jawaab celiso hadalada mayalka adag ee kasoo yeera Raysal wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

“Marwalba uu Raysal wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta ka imata madaxda dowlada waa mid daciif ah oo aan u qalmin damaca guracan ee Abiy Axmed, saas oo ay tahay iyadoo xaaladaas jirto ayay dowlada Fedaraalka heshiis dhinaca difaaca ah Addis Ababa kula soo gashay Itoobiya, ma ahan nin kusoo haweystay inaad heshiis la gasho” ayuu yiri lataliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

Lataliyahii amniga madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu si sax ah uga jawaabo in kooxda Al-shabaab uu u aqoonsan yahay Argagixiso iyo inkale.

“Wax macna ah masoo kordhineyso hadaan Argagixiso u aqoonsado iyo hadii kale, laakiin nimanka waa kuwa sheegta marwalba in dalkan la haysto oo dowladaha dariska iyo Calooshood u shaqeystayaal haytaan, hadana wayba soo dhamaatay mashruucii la oran jiray Argagixiso” ayuu yiri lataliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

Hadalkaan kasoo yeeray Cabdisaciid Muuse ayaa si weyn falcelin uga dhex dhaliyay baraha bulshada, waxaana xusid mudan in mudo xileedkii Farmaajo dowladiisa lagu eedeeyo ineysan dagaalo la taaban karo la gelin Al-shabaab.