DAAWO: La Yaabka Adduunka Xiddig Aan Gabi Ahaan Ciyaarrta Soo Galin Oo Rikoodhe Lagu Dhigay

2071

Tignoolajiyada VAR ayaa wali sii wada Murankii & Lama filaanadii ay ka haysay kubada cagta kadib markii ay Samaysa mid ka mid ah Go,aanada ugu la yaabka badan xilli ciyaareedkan kadib markii rikoodhe lagu dhigay xiddig aan gabi ahaan ciyaarta ku jirin oo aan wali soo galin.

Tababarayaasha ayaa inta badan ku qasbanaada xiddigaha garoonka ku jira si ay ciyaarta wax uga badalaan laakiin xiddiga khadka dhexe ee Michael Eberwein ayaa ciyaar u badalay qaab aan la filayn.

Kooxda Kiel ayaa ku dambaysay hal gool kulan ka tirsanaa horyaalka heerka 2-aad ee Bundesliga 2 kulan ay la ciyaarayeen kooxda VfL Bochum waliba dhacay jimcihii kadib markii uu xiddiga Lee Jae-sung gool dhaliyay daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee waxa ay bar-bareeyeen ka hor inta ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo bar-baraha ku keenay si ayna cidna filanayn inkasta oo uu xiddiga Silvere Ganvoula M’boussy fursad fiican ka khasaariyay kooxdiisa.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Kiel ee Eberwein oo tababar iskulaylin ah ku qaadanayay goolka dabadiisa ayaa go,aansaday in uu qabto kubad si ay kooxdiisu si deg-deg ah ciyaarta ugu bilaabato.

Nasiib xumo 23 jirka ayaa kubada taabtay iyada oo aan gabi ahaan dibada u bixin waxana uu garsooruhu la tashaday VAR kadib khaladka uu xiddigu sameeyay.

Xeerka u yaala horyaalka heerka 2-aad ee Germany ayaa ah in hadii xiddig kaydka fadhiya uu taabto kubada oo aan dibada u bixin in kooxda kale lagu abaalmariyo rikoodhe ama laad xor ah kulba meesha uu kubada ku taabtay.

Taas ayaana keentay in ay kooxda VfL Bochum ayaa ka faa,iidaysato arintaas la yaabka leh kana dhaliso goolka bar-baraha ka hor inta ayna qaybta hore ee ciyaartu dhamaan.