DAAWO:-Lafta Gareen oo aqbalay Shirka dib u Heshiisiinta ee Baydhabo

268

Wada-tashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saarey baaq shir dib-u-heshiisiin ah 19-kii bisha Nofeembar 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed wuxuu soo jeediyay in la qabto shir dib u heshiisiin ah luguna qabto magaalada Baydhabo. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda KGS.

12-ka bisha Diseembar wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Ugu horeyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen maamulka heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada qeybahooda kala duwan, waxay aad u soo dhoweeyeen dadaalada Gudoomiyaha uu ugu jiro qabashada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ah oo ka dhici doona magaalada Baydhabo.

14-kii bisha Diseembar Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee DGKS oo ah halka loogu madlan yahay in lugu qabto shirka dib-u-sheesiinta.