
Kulanka Liverpool iyo Fulham oo ka dhacay garoonka Craven Cottage, kana tirsanaa wareegga 20-aad ee Horyaalka Ingiriiska, ayaa ku dhammaaday barbaro 2-2 ah.
Fulham ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 17-aad, kaddib gool uu dhaliyay Harry Wilson, halka Liverpool ay barbaraha keentay daqiiqaddii 57-aad iyada oo uu gool dhaliyay Florian Wirtz.
Liverpool ayaa markale hormartay daqiiqaddii 90+4, gool uu dhaliyay Cody Gakpo, balse Fulham ayaa si degdeg ah u soo ceshatay barbaraha daqiiqaddii 90+7, goolkaas oo uu dhaliyay Harrison Reed.
Barbarahan kaddib, Liverpool ayaa gaartay 34 dhibcood, waxayna ku jirtaa kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka, halka Fulham ay leedahay 28 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 11-aad.





















