DAAWO:-Liverpool Oo 9-0 kuxasuuqday Bournemouth +SAWIRRO

269

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka Premier League kulan dhinac kaliya ahaa.

Liverpool ayaa kulanka soo gashay iyaga oo guul raadinaya maadama wax intaas ka duwan ay cadaadiska ku sii kordhinayso Klopp iyo kooxdiisa.

Reds ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay Bournemouth ka dhaliyaan goolal hore oo ciyaarta u fura.

Daqiiqadii 3-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Luis Diaz kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0 ay Liverpool ku hogaaminayso.

Wiilasha Klopp oo cabsi ka dareemay kooxda Bournemouth ayaa sii xoojiyay cadaadiska ay ku hayaan kooxda martida u ah waxana ay raadinayeen goolal kale.

Daqiiqadii 6-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Harvey Elliott kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Reds ku hogaaminayso.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 28-ad dhaliyeen goolka 3-aad waxana si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Klopp ayaa sii waday dadaalkooda iyaga oo doonayay in ay badiyaan goolasha ay ka dhalinayaan ciyaarta daqiiqadii 31-aad ayuu u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Ka hor inta ayna dhamaan qaybta hore ee ciyaarta ayay Liverpool dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool u muuqatay kuwo tababar ku jira wax walbana ka samaynaya ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo aad moodo in ayna doonayn in ay joojiyaan golasha ay dhalinayaan.

Daqiiqadii 46-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 6-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay daafaca kooxda Bournemouth ee Chris Mepham kaas oo ciyaarta ka dhigay 6/0.

Liverpool ayaa sii waday goolasha xilli ay doonayaan in sii dheeraystaan goolasha ay ka dhalinayaan kulanka.

Daqiiqadii 62-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 7-aad waxana u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 7/0 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii 80-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 8-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Da’yarka ah ee Fabio Carvalho kaas oo ciyaarta ka dhigay 8/0.

Xiddiga Luis Diaz ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka 9-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 9/0 ay Liverpool ku badisay.