DAAWO:-Liverpool Oo Markii 9-aad Ku Guuleystay Carabao Cup +SAWIRRO

1247

Liverpool ayaa markii 9-aad taariikhda ku guuleystay koobka League Cup-ka ka dib markii rigoorayaal ay ku garaaceen Chelsea

Sheekada ciyaarta:Chelsea iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda Klopp ay qasaariyeen fursad aan la aamini karin waxa ayna wada ciyaarayeen finala League Cup-ka

Liverpool hab xor ah ayay  ciyaartooyda  kooxda u ciyaarayeen waliba Mane , Salah io Diaz

Chelsea ma xumeyn balse waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah xilli goolhayahooda Mandey uu ahaa mid foojigan .

Chelsea kubad haysashada kuma xumeyn waxaana xusid mudan in Salah , Mane iyo Diaz aysan isku fahmeyn habka xoriyadda .

Chelsea waxaa qeybtaas hore ka liitay Christian Pulisic waxa uuna mudnaa in la badalo biloowga qeybta labaad

Chelsea  soo laabashadii , fursad weyn ayaa ka qasaaray wax ayna gool nadiif ah birta kaga dhacday Manson daqiiqadii 48-aad halka Mendy uu isna bad baadiyay gool waalan daqiiqadii 49-aad

Ka dib dhacdooyinkaas , kubadda waa u furneyd labada koox inkastoo Salah gool cidlo ah uu ka bad baadiyay Silva daqiiqadii 65-aad ka dib markii kubad macaan uu daba marsiiyay goolhaye Mendy .

Liverpool gool cajiib ayaa waxaa u dhaliyay Matip balse Var ayaa la aaday waa la diiday ka dib markii ay soo baxday in Van Dijk uu celiyay ciyaartooyda Chelsea ah

Balse guud ahaan Liverpool ayaa  cadaadis badneydn una dhaweyd gool waliba waa  ay cunayeen fursadaha xilli Diaz gool laga bad baadiyay dqiqiadii 75-aad waxaana sidaas sameeyay Mendy xilli Chelsea gool laga diiday sababo offside la xariira .

Daqiiqadii 85-aad , waxaa muuqatay in lIverpool nasiibka ka maqnaa sedex fursad oo hal jeer ah ayaa laga bad baadiyay  waxa ayan dhamaakdii cadaadis saareen kooxda Chelsea

Si waliba ayaa loo ciqaabay Chelsea , waxaan Liverpool daqiqiadii 90-aad gool madax aaha si aan la aamini karin u bad baadiyay Mendy waxaana la ahaa Van Dijk xilli Chelsea daqiiqadii 4-aad ee waqtiag geerida birta ayaa diiday ka dib uu laaday Lukaku  , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bilaa goolal oo waqti dheeri ayaa la isla aaday

Chelsea waa waqtigii dheeriga waa wacnaayeen weerar iyo daafac ahaan waxaana laga diiday gool uu dhaliyay Lukaku ka dib markii Var la aaday  , waxaana xusid mudan in Liveprool qeybtaas hore aysna abuurin wax fursad ah iyado lagu nastay bilaa goolal.

Soo laabashadiii , ciyaarta waa dadajiyeen Chelsea gool ayay heleen balse offside ahaan ayaa loo diiday biloowgii qeyba labaad ee waqtiga dheeriga

Labada koox waa u furneyd waana laga fiulan karay gool waxaana lagu  dhameeyya goolal la`aan iyadoo la is gaaray  rigoore tuurasho  .

Ugu dambeyn waxaa koobka rigoorayaal ku qaaday Liverpool ka dib 11 rigoore waxaan guusha laha a goolhayaha Liverpool halka kan  Chelsea uu cunay.