Tottenham ayaa guuldarro taariikhi ah oo xanuun badan kala kulantay Liverpool oo ay kula ciyaartay garoonkeeda, waxaana lagu xasuuqay 6-3.
Kulamadii ugu dambeeyay ee Premier League ka hor ciyaaraha mashquulka badan ee Christmas-ka, labada kooxood ayaa la yimid saf xoogan oo ay ku raadinayeen guul.
Ange Postecoglou iyo Spurs ayaa cadaadis kala kulmay qeybta weerarka oo Liverpool si weyn iskula jaan qaaday caawa.
Liverpool tababaraheeda Arne Slot ayaa isbedel badan sameeyay kadib barbarihii xiriirka ahaa ee Newcastle iyo Fulham.
Ismari waa labada kooxood ah kadib. Díaz ayaa 23 daqiiqo goolasha u daah qaaday kooxdiisa Liverpool, isagoo dhaliyay kubad qurux badan, waxaana kan labaad ku daray Mac Allister daqiiqadii 36’aad ee ciyaarta.
Maddison ayaa gool rajo ah usoo celiyay Tottenham isagoo ciyaata ka dhigay 2-1 ka hor inta Szoboszlai quusin rajadaas dhamaadka qeybta hore isagoo dhaliyay goolka saddexaad ee Liverpool.
Qeybta hore waxaa lagu kala nastay Liverpool oo sidii libaax gaajeysan looga celcelinayo shabaqada Tottenham oo ay marti u ahaayeen.
Soo laabashada qeybtii labaad Liverpool halkiisa ayay kasii waday dulaanka aan kala joogsiga laheyn, iyadoo Salah uu raacsaday laba gool si uu ciyaarta kaga 5-1 oo ay Reds ku hogaamineyso.
Kulusevski ayaa daqiiqadii 72aad uso celiyay gool kooxda Tottenham oo dhinac kasta looga awood badnaa kulankii caawa.
weeraryahanka Tottenham Solanke ayaa daqiiqadii 83’aad dhaliyay goolka saddexada ee kooxdiisa, laakiin labada daqiiqo kadib waxaa u jawaabay Díaz oo dhaliyay goolkii saddexada ee kooxdiisa, laakiin labada daqiiqo kadib waxaa u jawaabay Díaz oo dhaliyay goolkii lixaad ee kooxda Liverpool.