DAAWO:-“M/weyne Deni iyo Kooxdiisa waan isbaraynaa hadaysan i aqoon”

1537

Xildhibaan Cabdijamaal oo kamid ahaa 8 xildhibaan oo barlamaanka Puntland xasaanadda kala laabteen ayaa ka hadlay wixii ka dhacay golaha wakiilada, isagoona eedda u saaray madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamaanka.

Cabdijamaal Cismaan, ayaa sheegay in madaxweyne Deni iyo kooxdiisu ay ka dambeeyeen wixii ka dhacay golaha wakiilada, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu isbaro, aysanna middaasi dhacdeen haddii ay ogsoon yihiin waxa uu yahay.

“Haddii lagu sheegayna waa la isa sheelaa haddii lagu sheelana waa laysa sheegaaye , Marka waan ku khasbanahay in aan madaxweyne Siciid Deni iyo kooxdiisa aan usheego waxaan ahay , sababtoo ah haddii aan is-garanayno sifooyin-ka hadda socda nama dhex-mareen”

Dhanka kalena, Cabdijamaal ayaa sheegay in guddoomiyaha barlamaanku uusan ku haboonayn daadihinta golaha arrinta xasaanadda looga xayuubiyeyna ay tahay farriin uu ka soo qaaday madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

“Guddoomiye Cabdirashiid waa nin abwaana, golaha fanka aad buu ugu fiicnaan lahaa , golihiisii buu ka yimid , mid kaloo aan maqaamkiisa ahayn ayuu soo galay , wuxuuna noqday maykarafoon lagu hadlo oo wax la faro , wixii baarlamaanka ka dhacay wuxuu isagu keenay maaha , ee waa fariin uu soofaray madaxweyne Deni “