DAAWO:- Maamulka Gobolka Banaadir oo la wareegay guri loo isticmaalayay falal argagaxiso

23

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta la wareegtay Guri la sheegay in lagu isticmaalayay waxyaabo liddi ku ah ammaanka Qaranka kadib markii ay warbixin ka gudbiyeen Taliska Booliska Qeybta Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in xeer kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho lagula wareegay Gurigaan oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayna lahayd haweeyneey Soomaali ah.

Haweeyneedan Gurigeedi lala wareegay ayaa lagu magacaabaa Fahma Warsame Kabayare, wuxuuse maamulka gobolka Banaadir faah faahin dheeri ah kabixin waxa rasmiga ah ee Gurigaasi loo isticmaali jiray hadii ay ahaayeen waxyaabo Qarxa ama waxyaabo kale oo maandooriyaha ah oo dhibaato weyn ku ah labaduba ammaanka Qaranka gaar ahaan mida Caasimadda Muqdisho.

Xeerka maanta kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa la tixraacay warbixino ay diyaariyeen Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amniga gudaha oo ay ku xuseen in gurigaasi loo isticmaalayay waxyaabo liddi ku ah amaanka guud ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay HOL in Guriga maanta uu Gobolka La wareegay ee laga dhigay hanti ma guurta ah inuu ahaa Gurigii laga soo abaabulay Qarax Bishii March ka dhacay Degmada Xamar Jajab kaa oo lala damacsanaa kolonyo galbineeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.