DAAWO:-MACALIMUU MARKUU SOO HADAL QAADEY ROOBLE ILLIN SOO DHAAFTEY

1075

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, kadib qaraxii lagula eegtay Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Macallimuu oo lasoo daaweeyey, kadib dhaawicii soo gaaray ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bahda saxaafadda.

Afhayeenka xukuumadda oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa la ilmeeyey garab istaagga ay u muujisay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Rooble oo amray in deg-deg loogu qaado caafimaad dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Turkiga.

Muuqaalka Macallimuu oo xambaarsanaa dareen farxadeed ayaa ceshan waayey ilimada, markii lagu soo dhoweeyey Muqdisho, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee u duceeyey, kadib dhaawicii kasoo gaaray qarixii lala beegsaday.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa qaabilay Macallimuu wuxuuna u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii soo gaaray, isaga oo u rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.

Imaashaha Macallimuu ayaa ku soo aadaya, xilli ay socota doorashada Golaha Shacabka, Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay musharixiinta u tartamaya baarlamaanka 11-aad, isaga oo deegaan doorashadiisa ay tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Weerarkan lagu dhaawacay Macallimuu oo dhacay 16-kii bishii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana isku qarxiyey nin isku soo xiray walxaha qarxa.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo horey Wariye u ahaa ayaa ka bad-baaday weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ay kasoo gaareen dhaawacyo daran.