DAAWO:-Macalimuu Oo Loo Doortay Xildhibaan+SAWIRRO

980

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee tirsigiisu yahay Hop#068, kaasi oo kusoo baxay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya.

Doorashada kursiga Hop#068 ayaa waxaa uu ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah  Xasan Cabdicasiis Xasan iyo Maxamed Ibraahim Nuur oo loo yaqaano Macalimuu ahna Xukuumadda Federaalka, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Xasan Cabdicasiis Xasan.

Ergada doorashada ayaa Maxamed Ibraahim Macalimuu ugu coddeeysay qaab gacan taag ah, isla markaana waxaa uu helay 92 Cod oo ah dhammaan codadkii kalsoonida ku siiyeen Macalimuu oo ku soo baxay doorashada kursiga.

Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa sheegay in kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#068 uu kusoo guuleystay Afhayeenka Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Afhayeen Macalimuu ayaa 16-ka bishii Janaayo 2022 Magaalada Muqdisho lagula beegsaday qarax Is-miidaamin ah oo kasoo gaaray dhaawac, waxaana markii dambe dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga oo lagu soo daaweeyay, isagoona Maanta noqday Xildhibaan.