Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe, oo duleedka magaalada Beledweyne kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka , ayaa sheegay in laga heshiiyay khilaafyadii ka dhex jiray dadka deegaanka ee Beledweyne,
Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in aan dib loogu laaban oo bulshada ay kawada shaqeyaan hormarka deegaanka, waxa uuna ciidanka deegaanka ugu baaqay in mar kale diyaar u noqdaan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.
Sanbaloolshe, ayaa Sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ay dowladdu qarameyn doonto ciidamada deegaanka ee kasoo jeeda beeshiisa Xawaadle, loona baahanyahay maanta wixii ka danbeeyo inay isku diyaariyaan in ay qeyb ka noqondaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
“Waxaan ka shaqeyn doonnaa si kasta oo ay suurtagal u tahay in aan idin qaranmeyno, dowladnimada aad horay u gashaan ee aad daraf ka taagnaanin.” ayuu yiri Taliyaha nabad sugidda NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe.
Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa tilmaamay in si guud loogu wada shaqeeyo ammaanka deegaanka, isaga intaa raaciyay in ay qeyb weyn ka qaadan doonaan raadinta xuquuqdooda mid nololeed iyo mid saanad hub la xiriirtaba, si ay qeyb uga noqdaan difaaca deegaanka.