DAAWO:-Madaale oo difaacay qoyska madaxweynaha oo dhul boob loo haysto

500

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jiraaa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Madaale ayaa ku hormaray muranka ka taagan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaas oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dhulkan oo uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.

“Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Duqa Muqdisho ayaa soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweyne Xasan Sheekh ee la sheegay inay boob ku hayaan dhulkaas, wuuna beeniyay, isaga oo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda.

“Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu mar kale sii raaciyay Duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale uu ka hadlay dhul boobka ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa, isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu cadaalad doonto garsoorka.

“Arrinta Gubadley iyo Waxar-Cadde ka taagan oo qolo walbaa siday rabto u hadaaqeyso qof walba oo sharci heysto ha dacwo tego, hana aado garsoorka, laakiin in bannaanka laga qayliyo wax macno ah oo ay soo kordhineyso ma laha” ayuu mar kale yiri Madaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, oo sidoo kale laga raray barakacayaashii deganaa halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin dhul boob.

“Waxaan dhahnay dadkaas si nabad ah meel ha lagu dajiyo, hana la kiciyo,, intaas uunbaa dhanhay, laakiin dhul ayaa la dhiibay, waa nala dhacay waxaas ma jiraan” ayuu sii yiri.