Daawo Madaxwayne Qoorqoor oo gaaray Gaalkacyo +SAWIRRO

1801

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaddib safar dhulka oo uu kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado.

Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Gaalkacyo ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada amniga magaalada iyo howlaha maalmahan ka socday magaalada uu hormuudka u ahaa Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Fiqi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu la kulmo maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waa safarkii u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu ku tago Gaalkacyo tan iyo markii la xaliyay khilaafkii ka jiray doorashadii muranka dhaliyay ee ka dhacday Dhuusamareeb horraantii bishii February.