DAAWO Madaxwayne Xaaf oo xilka Kuwareejiyay Madaxwayne Qoor Qoor

1703

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xalay xilka Galmudug ku wareejiyay Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka hadlay heshiiska uu la galay Madaxda Cusub ee Maamulkaas.

Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid dhex-dhexaadisay isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, isla markaana labada dhinac ay wadahadal yeesheen, sidaasina uu ku yimid heshiiska.

Waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Galmudug in isaga oo shuruud ku xirin wadahadalka Qoorqoor uu la heshiisyay, sidoo kalena aysan soo kala dhex gelin Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, isaga oo kaliya go’aan uu ku gaaray inuu qaado tallaabadaas.

Xaaf ayaa dhawaan shaaciyay inuu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta Galmudug, uuna la shaqeyn doono maamulka Cusub.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay si rasmi ah xilka Maamulka Galmudug ugu wareejiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo kusoo baxay Doorasho ka dhacday bilowga sanadkaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.